NCE courses ku waxa weeye koorsooyin hirgalay oo lagu kalsoon yahay. Casharadu waxa ay ku salaysan yihiin barnaamij loogu tala galay in uu kobciyo ku isticmaalka luqada—qoraal ahaan iyo haddal ahaanba. Dhamaan cutubyada koorsooyinkani waxay ka kooban yihiin casharo sarre loogu qaadayo kartida ardayga ee ku hadlaka, qoraalka, dhegaysiga, graamarka iyo kelimaadka luqada Ingiriisida. Ardayga waxa la siinayaa fursado badan oo uu ku isticmaali karo wixii uu ku bartay fasalka gudihiisa. Fursadahaas oo ah qoraal iyo haddal labbadaba. Koorsooyinkan waxa si toos ah loogu dhigayaa fasal online-ah, waxaana dhigaya macalimiin u dhashay luqadda.
Koorsooyinkan NCE, waxa ardayga u raaca casharo garaamar ah oo automatic loo dhigayo. Casharadani waa casharo xiiso badan si fududna waa loo fahmayaa. Qaybtan waxa loogu talagalay ardaygu in uu isagu gooni wax u dhigto isaga oo adeegsanaya comoputerka. Toddobaadkiiba hal cutub ayaad dhiganaysaa markaad dhamaysana computerku imtixaan ayuu kaa qaadayaa. Natiijada imtixaankan toddobaadlaha ah waxa si toos ah loogu gudbinayaa macalinka kuu dhiga koorsada NCE.
|