
Bil walba waxaanu halkan ku xusi doonaa ardayda muujisa dadaal dheeraad ah. Arintan waxa noo sahlaya systemkayaga oo rikoodh garayndoona shaqa kasta iyo hawl walba oo uu ardaygu qabto inta uu ku jiro CALL Academy. Waxaanu ogaanaynaa inta jeer ee uu ardaygu laylisyo ka shaqeeyey,inta jeer ee uu ardaygu casharadii la bixiyey dib ugu laabtay, xilliga uu ardaygu fasalka soo galo, darajooyinka uu ka keeno imtixaanada tijaabada ah.
Intaa waxa dheer, macalimiintuna waxay qiimaynayaan firfircoonaanta ardayga—sidda ardaygu uga qayb qaato doodaha ka socda forum-yada, chats-ka iyo aqoon is weydaarsiga fasalka dhexdiisa.
U jeedadayadu waxa weeye in aanu ardayda dhiiri gelino, abaal marinna siino si ay u sii dadaalaan ardayda kalena ugu dayato.
Fiiro gaar ah: Ardaygii aan rabin in magaciisa/magaceeda lagu soo qoro boggan waanu ixtiraamaynaa codisigiisa/ codsigeeda oo soo qori mayno.
|